mowduuceena maanta waxa uu kusaabsan yahay 7 arimood oo ey tahay inaadan sameyn markaad xanaaq san tahay ama careysantahay, qofkasta oo uu garaadkiisa uu sareeyo waa uu garan karaa in xanaaqa ama carada eytahay xaalad daciiftinimaa oo uu qofku maro
Xanaaqu waa dareen inta badan raad ku yeesha caqliga oo sida badan qofka ku dirqiya inuu qaato go aamo qaldan ama qatar ku ah naftiisa. sidaa owgeed qofkasta oo carooda talada uhoreysa ee lagudboon waa inuu samirka xasuusto kuna dadaalo inusan go,aan qaadan daqiiqadaha uu xanaqsan yahay si uusan ugalin goaan xumeeya noloshiisa dambe ee mustaqbalka, cilmi ahaana waxa la xaqiijiyey in caradu dhaawac ugeysato caafimaadka maskaxda iyo jirkaba sidoo kale caradu waxey burburisaa xiriiro badan oo bulsho ah ama shakhsiyeed iyo kuwa mihnadeed intaba, mowduucaan waxaan kusoo qaadaneynaa;
7 arimood oo ey fiicantahay in qofka uusan sameyn marka uu xanaaq sanyahay;
1.Go,aan Qaadashada markaa xanaaq santahay
hadii aad dooneyso go,aanka qaadaneyso in uu noqdo midka saxda ah waxa qasab kugu noqoneysa in arinta aad go,aanka ka qaadaneyso iyo go,aanka aad qaadaneyso inaad fikir badan galiso, dhinacyo badan aad ka miisaanto, isu eegto ceebta go,aanku uu yeelan karo iyo wanaagiisa, waxaas oo dhami waxey suurto gal kuu noqon karaan marka ey xaaladada nafsiga ahi ey dagantahay
2.Dad lamacaamilka markaa xanaaq santahay
Waxa hubaal eh in carada ey xumeyso dabeecada iyo hab dhaqanka uu qofku dadka kula macaamilaayo sidaasi owgeed marki uu qofku carawdo waa in uu xasuusta inuu naftiisa xakameeyo waa in uu xasuusta hab lamacaamilkiisa iyo erayada uu ku dhahaayo dadka ku xeeran eeyihiin kuwa sii xoojin kara ama jari kara xiriirka uu bulshada laleeyahay ama ugu yaraan abuuri kara jawi ey dadka qalad ka fahmayaan,
marka aad carooto ku dadaal in dadka ka durugto jawi dagan aad raadiso isla markaana aad ku dadaasho hababka aad horay utaqanay ee xaaladaha murugada iyo cariiriga nafsiga aad isku dhaafin jirtay, tusaale ahaan markaa diinteena ka hadleeno waa in qofku uu badalo xaalada uu kusugnaa hadi u tagnaa uu fariisto sido kale uu weyseesto Quraanka wixi suurto gal eh uu aqristo
3.Baabuur kaxaeynta ama gaari wadida
Waxa waajib eh in qofka marki uu xanaqsan yahay uu ka dheeraado kana fogaado baabuur ka xeynta ama gaari wadida, Daraasado badan oo horay loo sameeyey ayaa iftiimiyey in qofka careysani uu si cadaawadi ka muuqato baabuurka ukaxeeyo
4.Dad La hadalka
Sida dabiiciga ah qofka wuxu jecelyahay inuu ka sheekeyo mushkiladaha uu lakulmay iyo loolanka naftiisa kula jirto lkn taasi mafiicna oo hadii ey badato waxey keeni kartaa inad ka hadasho ama lawadaagto waxyaabo badan oo ey muhiim ey ahayd ama ku fiicneed iney sir kuu ahaadan siaan warkaas ufaafin kadibne adi ceeb kuugu noqon
5.Cadooyin Xun oo Aad Horay Usameysay
caradu ama xanaaq waxey caan ku tahay iney jabiso go,aanka iyo hal adeega qofka isla markaana ey qofka si sahlan ugu celiso cadooyin uu hore isaga daayey sida sigaarka qaadka iyo wixii lamida, Sidaasi owgeed waxa muhiima in qofka marki uu caroodo nafta uu xasuusiyo go,aamada ey horay uqaadatay eyna aheyn in caradaan ey badasho, waxey quburada cilmu nafsiga ku tilmaamaan iney fiicantahay marka uu qofka uu caroodo uu sameeyo jimicsi
6. Saaxiibo Sameysiga
dadka qaar carada ama xanaaq badan waxey ku kaliftaa iney bulshada dhan saaxiib uarkaan oo kii ey arkaan uga waramaan caradooda iyo sababaheeda lkn quburada cilmu nafsiga waxey ku taliyaan in qofka marki uu careesanyahay uu dadka ku cusub ka fogaado siaan shakhsiyadiisa fahan qaldan uga qaadan, dhinaca kale daraasado kale oo lasameeyey ayaa daahfuray in dadka carada iyo naceybka ku yaryihiin eeyihiin kuwa guuleysta eyna usahlantahay in bulshada shacbiyad ku dhex yeeshaan waayo dadka waxey jecelyihiin dadka dhoola cadeynta badan ee anshax wanaaaga iyo akhlaaq fiicnidu ka muuqato
7. Baraha Bulshada
waqtiyadaan dambe isticmaalka baraha bulshada ee internetku batay waxaa soo baxday caada ah in qofka carooda gaar ahaan dhalinyaradu ey dareenkoda ku cabiraan dagalka ey kuleeyihiin baraha bulshada sida facebook, Instgram, X, Tiktok iyo wixii lamida, lkn baaritaano lasameeyey ayaa muujiyey in taasi ey tahay talaabo aan xikmad ku dhisneyn oo abuureysa in qofka dadka kala socda ey ka qaataan faham ah in aanu macna badan laheyn qofkan ama uu dabeecad xunyahay hadaba siaan faham qaldan looga qaadan shakhsiyadaada ku dadaal inaadan dareenkaaga ku cabirin baraha bulshada.
Gaba gabadi iyo Gunaanadkii 7-da arimood ee laga fogaado marka xanaaq santahay
qofkasta oo carooda talada uhoreysa ee lagudboon waa inuu samirka xasuusto kuna dadaalo inusan go,aan qaadan daqiiqadaha uu xanaqsan yahay si uusan ugalin goaan xumeeya noloshiisa dambe ee mustaqbalka, cilmi ahaana waxa la xaqiijiyey in caradu dhaawac ugeysato caafimaadka maskaxda iyo jirkaba sidoo kale caradu waxey burburisaa xiriiro badan oo bulsho ah ama shakhsiyeed iyo kuwa mihnadeed intaba.