Jooji 6-sheey intaad nooshahay
hadii aad jojiso 6-daan sheey waxad ku arki doontaa noloshaada cajaaib fara badan iyo isbedel weyn
1. Caayda iyo Aflagaada Jooji
hadii aad isaga tagto caayda iyo aflagaadada iyo dadka oo wax laga sheego waxad dareemi doonta isbedel intaad nooshahy, waxaa jira bulshadeena hadii aad ufiirsato had iyo jeer caayda iyo in dadka wax laga sheego , nasabkiisa lacaayo shakhsiyadiisa wax laga sheego wax iska fudud ayey noqotay xitaa kaftanki ayey kamid noqotay.
Nabiga NNKH waxa uu dhahay dadka waxey janada ku galayaan in “qofku in uu laimaado Alla kacabsi iyo sido kale inuu dadka kula dhaqmo dabeecad wanagsan” hadalkiisa, ficilkiisa iyo waxyaabaha kasoo fulaaya iney noqdaan wax wanagsan oo dadka dhibeyn
2. Dhibaatada Naftaada
hadii iska ilaalisid wax walba oo naftaada dhibaaya waxey kugu keeneysa in ilaahey kugu jeclaado, ilaahey wuxuu leeyahay “Nafihiina haku tuurina mahlikada iyo waxa dhibaatada idiin keenaya” waxa kamida qofku inuu caafimaadkisa ilaalin waayo tusaale ahaan soojeedka badiyo ama daraagis uu isticmaalo ama waxyaabo kale, wax walba aad ogtahay iney naftaaada dhibaato soo gaarsiin karto dhibatadaas oo kugu sababi karto dhimasho inaad mudato waxey keeneysa in ilaahey kuu caroodo
3. Waqti Luminta
Rasuulka SCW asagoo noo sheegaya arintaas wuxuu yiri “Adoonka ilaahey hortiisa ka dhaqaaqin maayo maalinka qiyaamo ilaa uu kajawaabo su,aalahan ; Cimrigiisa iyo waxa uu qaatay , Cilmigiisa iyo waxa uu ku qabtay , Maalkiisi Meeshu kakeenay iyo meeshu ku bixiyey , Waqtiguu yaraa iyo meeshu ku bixiyey” waqtigu marwaliba waa muhiim marka la,eego noloshaada aduunyo iyo aakhiro waxa uu ku tari doono hadi aad ka faaideesatay
4. Waalid caasinimada
inaad joojiso macsiyada iyo caasinimada inaad hadal ku celiso waa lidkaaga qof dhago adag inad unoqoto waxyaabahaas waxey keeni karaan in ilaahey SW kuugu caroodo, markii ilaahey uu xaqiisa sheegay xaqa labad uu kuso xijiyey waxa uu ahaaa WAALIDKA, marka inaad waalidkaaga u wanaagsanaatid oo hadal xun ku dhihin marki uu wax uu kudirsado dadka qaarbaa erayo iyo dhibsi ku jiro ku jawaabo iska ilaali hadaladaas iyo wixii lamidaba
5. Shahwada oo aad Ku ciyaarto
qodobkaan waa qodob dhalinyarta ku badan dadkuna eeyna ka warhaaynin waxa ladhihi karaa waa dilaaga qarsoon waana waxa looyaqaan in qofku uu ku ciyaaro shahwadiisa, ilaaheybaa yiri ” Waxa imaandoona qoom Salaada intey katagaan raaci doona shahwaadkoda iyo waxyaabaha naftooda eey jeceshahay ee xaarantaa “Marka iska ilaali inaad arintaas sameyso sbbto ah caafimaad ahaan kuuma fiicna dhaqaalo ahaana waxbey ku gaarsiineysaa Diintada waxbey gaarsiineysaa waxeyna kugu keeni doontaa waaali in uu qofku sabab unoqdo inuu isdilo oo aakhiro iyo aduunba labadaba guul dareysto, marka arintaana iska jooji halis weyn ayey ku tahay noloshaada
6. Meelaha xumaanta lagu Faafiyo
iska jooji inaad ku xirnaato meelaha lagu soo baahiyo waxyaabaha xunxun ee aan wanaagsaneyn tusaale ahaan waxyaabaha xumaanta eh sida dumarka qaaqawan iyo filimeenta aan fiicneen iyo waxyaabaha nuucaasa oo kale qoraal ha ahaadan ama video ha ahaadan ama sawir ha ahaadan ama cod ha ahaadan intaad ka fogaan karto ka fogow
Gabo gabadi iyo Gunaanadki mowduuci kusaabsanaa jooji 6 arimood
Hadi aad katagto 6-dan qodob aan soo sheegnay waxaad arki doonta in noloshaada isbedel weyn uu ilaahey SW uu ku keeni doono, waxaadna ogaata ilaahey wuxu doonaya in uu idiin dambi dhaafo oo aad naxariistisa iyo janada aan galno ayuu ilaahey naleeyahay lkn dadka xun iyo shayaadiinta gaalada iyo kuwa lamidka ah waxey doonayaan inad shahwaadkada iyo naftaada waxey jeceshahay aad iska raacdo qofku wuxu is oranayaa dhalinyara tahay hadhaw aad ka toobad keeni doonta waqtigi aad dhiman laheydna magaran kartid marka hada fursad heysataa isbadal Allaah ku xirnow.