You are currently viewing Sidee Hantiile ku noqon kartaa

Sidee Hantiile ku noqon kartaa

sidee hantiile ku noqon kartaa

Sidee Kunoqon Kartaa Hantiile

Hantida laguma soo dhasho, dadka aad aragtay ee hantiile yaasha ahne maalin ayey sidaada oo kle ahaayeen xitaa hadii reerkoda hantiilayan ahaayen oo ka dhexleen xasuusnow reerkoda hantida kameysan dul sootoosin cirkana ugameysan soo dhicin ee maalin maalmaha kamida reerkada oo kle ayey ahaayeen ama ey kasii liiteen, lkn waxaa jira siro badan oo kunoqon kartid qof lacag leh, waxa kamida

Dhigaalka wuxu ku horseeda inaad noqoto hantiile

dhigaalku waa talaabo aad uxoog badan oo laf dhabartedu tahay naftaada oo aad xakameyso, dhigaalku wuxuu korinayaa kalsoonidaada waxa uu awood ku siinayaa inad goaamo adadag inad ka gaarto noloshaada iyo shaqadaadaba. dhigaalku wuxu ku horseedayaa inad dhaqaalahaga umadax banaanato ama uu koro, wax dhigashadu waxey ka hortagtaa walwalka aad mustaqbalka ka qabtid iyo noqon weyso hantiile.

Sideen ubilaaba wax dhigashada

wey fududahay inaan helno sababo badan oo inagu qasbaaya inan wax dhigano lkn xili kasta mafududo inan dhigaalki bilawno oo aan kusii sugnaano oo sii wadano, sidaa owgeed si ey kuugu fududato wax dhigashada waxa kula wadaagaya dhawr talo oo laga maarmaan ah.

Haku dagdagin wax iibsiga

iska ilaali waxwalba oo ku dareensinaya inad wax ubahantahay, baahidadu waa mid katimaada noloshada ee kama imaato waxyaalaha aad daawaneesid iyo waxyaalaha dadka kale ku arkeesid. hadii aad sheey cayiman ubaahatid isla markaa haiibsaninee mudo ukaadi maalmo ilaa asbuuc gaareysa siaad uogaato oo uhubsato sheygaan inaad dhab ahaan ugu baahantahay iyo inkle, hadii aad si dhaba ugu baahantahay oo aadana ka maarmin mailaabi doontid mudadaa kadib ayaadna soo iibsan doontaa, hadii klena oo ey kaa aheyd xiisane mudada intaa laeg xiisahaga sii joogi maaye waad iska ilaabi doontaa, sidaas ayeyna kuugu badbaadeysaa lacag kaaga bixi laheyd wax aan muhiim aheyn amaba aan ka muhiimsaneyn faaidada mustaqbalka aad heli doontid.

Qor kharashaadka 

waxaad ubaahantahay inad qorto kharashaad kaaga siaad daba gal ugu samesid siaad isaga ilaalisid kharashaadka sida fudud ku baxa, markaa kharashaadkaga qortid waxa kuu kala cadaanaya oo kala garaneysaa inta laga maarmanka eh iyo inta aan aheyn ee aad ka maarmi kareyso.

Miisaniyad Udaji mushaarkaga

Qodobka kale ee muhiimka ahi waa inaad budgetka iyo qaabka aad wax uqarasheyn doontid aad sii dajisatid oo sii qoratid inta qarashadkaga ama musharkaga kusoo galin  hadi kale waxa kugu dhacaaya iska dabawareeg iyo qorsho la,aan lacagtada isagu cuni doona, waxa aana aad uwanaagsan inaad budget kaga inad ku dajisid rule ka loo yaqaano 

  • 50% waa inaad ku bixisaa waxyabaha laga maarmaanka ah sida cuntada iyo jiifka.
  • 20% waa inaad ku bixisaa wixi raaxo eh sida internetka iyo safarada iyo maqaaxi ka shhaxitanka
  • 20% waa inad ugu tala gashaa dhigaal ama keyd sida utaqanid.
  • 5% waxad ugu tala galeysaa emergence issues waxyaabaha degdega ah oo kugu soo boodada eh qeybtani waxey muhiim utahay oo ey ilaalo utahay dhigaalka ga kale.
  • 5% waxad ugu talo galeysaa qarashaadka aan qorshaha laheyn.

sidaan waa qaab aad uwanagsan oo qarashkaga u qeybin karto hadii aad tahay qof ku taagnan kara qorshaha uu dajistay

Iska yaree isticmaalka lacagta digitalka eh ee isticmaal lacagta kaashka eh

ka fogow lacagta digital ka eh maxaa yeelay waxa badann iney si dhaqsiya kaaga baxdo oo aan ku talagal aheyn  maadama ey transfer keda ama isdhafsigeda uu fududyahay internetka si fudud wax kaga iibsan kartid lkn kaashka wuu ka duwanyahay lacagta digitalka ah. 

kaashka (cash)  wuxu kugu adkeeynaya wax iibsiga oo sheey aad internet ka ku aragtay kuma iibsan kartid kaash, marka sheey ku iibsaneesid kaash waa inaad diyaar garowdaa oo aad gari qaadata kadib tukanka tagtaa lacagta bixisaa kadib alaabti soo qaadataa, waa process dheer oo aanad waqti u heynin amaba ka wahsaneesid hadi uusan sheygu aheyn mid aad aad ugu baahantahay, sidaas ayeyna  lacagtadi kugu badbaaday.

Dhiaalka yool usameey

bini aadamka aad bey ugu adagtahay iney qabtaan amaba sii wadaan shaqo ama arin eyna yool ama ujeedo kalaheyn sidaa owgeed yool dajiso sida inaad guri dhisatid ama gaaari gadatid ama maal gashi sameesatid, yool dajisashadu waxey maa weelineysaa nafta, oo ey ka maaweelineysaa raaxada degdega ah, qofka hadii uu heli waayo wax uu kaga mashquulo ama kama weeliyo raaxada dagdag ah naftiisu waxa ku qabeysaa inuu hada raaxeysto arintaaso hadhawdii qofka ku noqoneysa qoomamo, sidaa owgeed dhigaalkaga yool macquul ah usameyso si aanad uga daalin oo aadan uga xiisa dhicin.

Guntii iyo Gaba gabadii hantiile inaad noqoto

siaad mashruucada dhaqaale ubilawdid waa labo mid uun:-

  1. Inaad hesho lacag fudud sida inaad hesho cambar xeebta kuso caariyey ama ayeeydaa oo qof kle oo     dhaxasha lawayey inaad adiga kliga ka dhaxasho hanti fara badan.
  2. waa inaad wax urursatay oo dhigaal samesatay sidaasna aad hanti  badan uyeelatay.

waxaan ku leeyahay weli waqti kaama tagine ee hada bilaw inaad wax urursato oo dhigaal sameysato.

Leave a Reply