You are currently viewing Sifooyinka Ay Leeyihiin Dadka Indheer Garad ka ah
indheer garad

Sifooyinka Ay Leeyihiin Dadka Indheer Garad ka ah

Sifooyinka ay leeyihiin dadka indheer garad ka ah

Sifooyinka Ay Leeyihiin Dadka Indheer Garad ka ah

dadka indheer garad ka ah dadka sida buuxda ufikira dadka lagu tilmaamo iney yihiin iney aad ucaqli badanyihiin ayna kamid yihiin caruurta soo koraaysa, dhalinyarada , qof weyn lkn uusan ogeyn inuu yahay qof indheer garad ah oo uu ilaahey siiyey awoodo uu uga duwan yhay dadka kle.

Daraasado Lasameyey Tilmaamaha uu leeyahay Qofka Indheer Garad ka ah;

Maskax ahaan waxa uu umuuqdaa inuu shidanyahay

maskaxdiisa iney shidantahay wuxuu si cajiiba ula tacaamulaa mawaaqifta dhaca ama aan kutilmaano inuu feejiganyahay maskax ahaan wuxuuna kasareeya dadka ey isku midka yihiin sida arday ama dadkle oo ey saaxibo yihiin, mar walba waxad uarkeysaa inuu kasareeyo dhanka caqliga.

Wuxuu si degdeg ah ukasbada fahanka macluumada

hadii looshego macluumo isla markiiba uu fahmaayo hadii wax uubaranayo ama wax looshego madaama uu feejigan yahay isla markiiba horay uu kafahma sido kale wuxuu leeyahy awooda barashada wax cusub , sheey uusan horay uaqoon sida luuqadaha ama culuumta kale

Wuxuu Jecelyahay inuu kaligiis shaqeeyo

waxa lashega dadka indheer garad ka ah iney jecelyihiin kaligood iney shaqeeyaan oo aad uma jecla in dad isla shaqeeyaan iyago isku qanciya howlahooda kaligood iney ku filanyiin dadkle eysan soo fara galin qof walba kaligiis uu wax qabsan karo aaminsan yihiin, iyagoo leh “Howl markaa kaligey qabto si wanagsan oo dhameystiran ayaan uqabtaa mana jecli inan koox ahaan howl uwada qabano”

wuxuu jecelyahay inuu madaxbanaanado uu xor noqdo

Laga soo bilaabo markuu yaraa wuxuu jecelyahy inuu madax banaanado inuu gooni ahaado naftiisana kaligiis isku tiirsanaado hooyo iyo aabana waxba ka sugin, marwalba wuxu kufikiraa inuu madax banaanado oo howlihiisa dhaan uu isaga isku tiirsanaado dhinaca maadiga , dhaqaalaha , horumarka iyo dhinac walba ahaado mid 100% isagu isku filan

Fikir Guud Oo Wanaagsan

wuxuu leyahy fikir guud oo wanaagsan iyo saadaalinta umuuraha sida ey usocdaan , wuxu saadalin ku sameena waxa dhacaayo sida ey wax udhici doonaan kumana qanco howlaha yaryarka ah uu qabtay, wuxuuna jecelyahy howsha uu maanta qabtay mid ka weyn inuu qabto biri hadi uuqabto howl weyn zaaid uguma farxaayo oo lugaha isi saaran maayo ee wuxuu rabaa midkle oo ka sii weyn

Suaalo Mug leh Oo Adag

marwalba wuxuu isweydiiyaa ama uu dadka weydiyaa suaalo mug leh oo ey adagtahay in laga jawaabo maadama maskaxdiisa ey shaqeyneyso si ka awood badan dadka caadiga ah jawaabta suaalihisa waxey ubahantahay fikir iyo khibrad dheerad ah marka labarbardhigo qof caadi eh suaasha uu kuweydiiyey

Sareynta Caqligisa Marka Labarbardhigo Asaagiisa

marwalba wuxu dareema heerka caqligiisa uu ka weynyahay dadka isku midka yihiin badanaa waxa laga yaaba inuu necebyahay inu lafariisto carurta isku da,da yihiin ama dadka isku levelka yihiin oo uu raadiyo qof kaweyn lafariisto oo lasheekesto isagoo leh ciyaalkan waxba maka faaidayo

Majeclo Shaqada Halka Nidaam Kusocota

dadka indheed garagka ah oo caqliga badan majeclo shaqada halka nidaam kusocota inuu sanado badan ka shaqeyo hal meel waa mid aad ugu adag isaga, hadii aad aragto qof shaqo ka tagtagaaya kolba shaqo kale aadaya waxa laga yaaba inuu yahay qof leh tilmaamaahan indheer garad ah uuna jecleen inuu hal meel ku xirxirnaado

Majeclo In Wax Loodiro AMa La,amro

inta badan dadka indheer garad ka ah majeclo in wax lafaro inta qof u imaado amar lasiiyo ama wax loosheego maskaxdooda ayaa sidaas ah ilaahey ayaa u abuuray qaabkaas , mana jeclo in ladhaho waxas soo qabo waxas samey waxna kama ahan waa nidaam uu ilaahey u abuuray.

Aqrinta Dadka Qiimaha Kulahaa Taariikhda

wuxuu jecelyahay inuu aqriyo dadka qiimaha kuleh taariikhda waa raaxadiisa waa waxa uu jecel yahay inuu aqriyo marku jaanis leyahay , marka uu nasanaayo in kutub nuucaasa uu aqrisado haduu yahay gabar , haduu yahay wiil , hadi uu yahay qof weyn waa isku mid jeceylkiisa ku aadan dadka taariikhda ey xustay

Gabo gabada iyo gunanadka mowdiiceni ka hadlaayey dadka indheer garad ka ah

dadka aan ka sheekehenay maanta dhan ee indheed garadka ah ma hadal badno waxa laga yaaba dadka iney necbadan maadama dhaqankiisa xooga uu kayara duwanyahy dadkana ey jecelyihiin in la sheekesto oo wax laxanto oo laqeyliyo, inta badan dadka indheed garadka ah su,aalo joogta ah ayey is weydiiyan waxaan mexey yihiin sideen uxalin karaa arinkaan afkaar qiyaali ah qaar kamida iney yihiin laga yaabo in uu isweydiiyo.